
Liverpool ayaa diyaarisay qorshe cusub oo 165 milyan euro ah oo ay kula soo saxiixaneyso Alexander Isak xagaagan.
Reds ayaa xaqiijisay xiisaha ay u qabto weeraryahanka Newcastle horaantii bishaan, iyagoo muujiyay inay rabaan inay wadahadal la furaan heshiis ku kacaya 120 milyan oo euro Newcastle isla markiiba waxay u sheegtay in Isak aanu iib ahayn.
Si kastaba ha ahaatee, Isak ayaa hadda u sheegay Newcastle inuu doonayo inuu baxo, taasoo keentay in Magpies ay u dhaqaaqdo badalkiisa.
Liverpool ayaa la filayaa inay soo bandhigto dalabkeedii ugu horeeyay ee rasmi ah Isbuucaan, iyadoo 65 milyan ka heshay iibka Luis Diaz oo ku biiraya Bayern Munich.
Newcastle ayaa lagu soo waramayaa inay si gaar ah u dejisay qiimaha Isak oo djan150 milyan oo Euro in kasta oo la arki doono haddii codsiga weeraryahanka uu hoos u dhigo qiimahaas.
Isak, oo lagu doodi karo inuu yahay weeraryahanka ugu fiican Premier League, ayaa la filayaa inuu ku kici doono lacag rikoorka Ingiriiska ah, iyadoo la filayo inuu ugu yaraan ku koco lacag dhan 130 milyan Euro.
Si kastaba ha ahaatee, Arne Slot ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu iibiyo seddex ciyaaryahan oo kale si uu u maalgeliyo u dhaqaaqista Isak.
Sida laga soo xigtay ESPN, Liverpool ayaa aaminsan inay iibin karto Xiddigo ku kacaya lagac dhan 100 milyan oo ay ka samayn karto xiddigaha aan ku jirin qorshaha kooxda.
Be the first to comment