XASAASI: Man United Oo Bilowday Wadahadalada Ay Ku Doonayso Saxiixa Benjamin Sesko

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la yeelatay kooxda RB Leipzig si ay u hesho saxiixa xiddiga Benjamin Sesko sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub waxana ay Benjamin Sesko ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu weyn.

Man United ayaa diyaar u ah in ay xiddiga siiso waxa uu doonaya si ay u hesho saxiixiisa suuqa kala iibsiga xagaagan.

Man United ayaa saxiixa Benjamin Sesko kula tartamaysa kooxda Newcastle kuwaas oo diyaar u ah in ay 60 milyan ka bixiyaan saxiixiisa.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga