Liverpool ayaa sii wada dar-dartii ay ka waday suuqa kala iibsiga iyaga oo la soo saxiixday xiddig kale.
Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixeedii 4-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Liverpool ayaa xaqiijisay in ay la soo saxiixatay Goolhaye Freddie Woodman kaas oo ay ka dhigayso Goolhayeheeda 3-aad ee xilli ciyaareedka dambe.
Reds ayaa Freddie Woodman kula wareegtay qaab xor ah kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu xiddigu kula jiray kooxda Preston North End.
Woodman ayaa ka dambayn doona Goolhayayaasha Alisson iyo Mamardashvili xilli ciyaareedka cusub.
Be the first to comment