Alexander Isak Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Liverpool.

Liverpool ayaan samayn wax xidhiidh ah oo ay kula soo saxiixanayaan xiddiga Alexander Isak iyadoo weeraryahanka aan la fileyn inuu dalbado bixitaan xagaagan.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa si dhaqsi ah u dhaqaaqday suuqa kala iibsiga xagaaga, iyagoo isla markiiba keenay bedelka Trent Alexander-Arnold ee Jeremie Frimpong iyadoo Milos Kerkez la filayo inuu ka yimaado Bournemouth.

Florian Wirtz ayaa habeenimadii jimcaha ku biiray Liverpool isaga oo ugu yimid heshiis 116 milyan ah.

Kharashka Liverpool ayaa laga yaabaa inuusan halkaas ku dhamaan. Iyadoo Luis Diaz iyo Darwin Nunez ay suurtogal tahay inay ka tagaan Merseyside, weeraryahan dhexe oo hogaaminaya weerarka Arne Slot ayaa la raadin karaa.

Kooxdiisa ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonto Isak, kaasoo qandaraaskiisa haatan ee St James Park uu dhacayo 2028.

Laakiin inkasta oo la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa hadana wargayska Telegraph ayaa sheegaya in Iska uu ku faraxsanyahay Newcastle isla markaas uuna doonayn in uu ka tago kooxda xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga