
Real Madrid ayaa xagaagan samayn doonta ugu yaraan afar saxiix, laakiin hadii ay doonayaan sida ay rabaan waxa ay heli karaan saxiix 5-aad.
Dean Huijsen iyo Trent Alexander-Arnold waxa Dhawaan kooxda kula soo biiri doona xiddigaha Alvaro Carreras iyo Franco Mastantuono – imaatinka ugu dambeeya ee suurtogalka ah wuxuu noqon karaa Martin Zubimendi.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Real Madrid ayaa xiiso xoogan u qabta Zubimendi, kaasoo ay u arkaan inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican ee hagaajin kara khadkooda dhexe ka hor Xabi Alonso xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee macalinka. Laakiin iyadoo ay taasi jirto, xiddiga Real Sociedad ayaa la filayaa inuu u dhaqaaqo Arsenal xagaagan, isagoo heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda ka dhisan Premier League.
Iyadoo ay taasi jirto, heshiiska lama filayo in la soo gabagabeeyo ilaa bisha July dib u dhacan ayaana fursad siinaysa Real Madrid – waana mid ay doonayaan inay ka faa’iidaystaan.
Sida laga soo xigtay Diario AS, Real Madrid ayaa go’aansatay inay sameyso isku daygii ugu dambeeyay ee ay ku dooneysay Zubimendi. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee khadka dhexe ee uu doonayo Alonso, waana sababta loo go’aamiyay inuu isaga ku biiro.
Sida warbixinta lagu sheegay, Zubimendi ayaa doorbidaya inuu sii joogo Spain, sidaas darteed Real Madrid ayaa kalsooni ku qabta inay afduubi karaan dalabka Arsenal ee saxiixiisa. Laakiin kooxdu hadda diyaar uma aha inay bixiso lacagta 60 milyan ee lagu bur-burinayay heshiiskiisa.
Real Madrid ayaa doonaysa in ay La Real siiso fursad ay kula soo saxiixato mid ama laba ka mid ah ciyaartoydeeda amaah bilaa kharash ah oo ay ku bedesho qiimo jaban. Laakiin hadii taas la aqbali waayo waxa ay u baahan doonaan in ay go’aan kama dambays ah ka gaaraan in ay bixinayaan 60 milyan oo euro iyo in kale iyaga oo og in Arsenal ay mar hore ka dhawaajisay rabitaankooda.
Waxaa sidoo kale la xusay in Zubimendi uu sidoo kale u baahnaan doono inuu aqbalo mushaar dhimis oo uu ka qaato midka uu ka qaadanayo Arsenal, waxaana tani ay noqon kartaa mid kale oo ka shaqeysa kulanka Real Madrid. Laakiin hadda, waxay leeyihiin rajo.
Be the first to comment