Man United Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig U Ciyaara Chelsea Nicolas Jackson

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay “dardargelisay” wadahadalo ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka Eintracht Frankfurt Hugo Ekitike, iyadoo mustaqbalka Nicolas Jackson ee kooxda uu shaki ku jiro.

Blues ayaa qarka u saaran inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo imaatinka weeraryahanka Ipswich Town Liam Delap oo ay ku soo iibsatay 35 milyan oo euro.

ka dib markii uu tijaabada caafimaadka ku baaso tijaabada caafimaadka waxa ay dar-dar galinayaan saxiixa xiddiga Ekitike.

Wararka ayaa tilmaamaya in Chelsea ay mar hore heshiis shaqsi ah la gaartay 22-sano jirkaan, kooxda Enzo Maresca ayaa haatan “dardargelinaya” wadahadalada Eintracht Frankfurt, sida laga soo xigtay daabacaadda Faransiiska ee L’Equipe.

Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa haatan dalbanaysa lacag dhan 100 milyan oo euro si ay u ogolaato in uu u biiro kooxda Chelsea.

Ekitike ayaa dhaliyay 22 gool 48 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii 2024-25, Chelsea ayaana dooneysa inay soo gabagabeyso heshiiska 22 jirkaan, inkastoo uu ku dhow yahay inuu yimaado Delap.

Sida laga soo xigtay The Guardian, Man United ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga Chelsea ee Nicolas Jackson si ay uGu xoojiso weerarkooda.

United ayaa aaminsan in imaatinka Ekitike ee Chelsea uu u fududayn doonto helitaanka xiddiga Nicolas Jackson’

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga