
Florian Wirtz oo ka tirsan kooxda Bayer Leverkusen ayaa u sheegay Liverpool nambarka caanka ah ee uu doonayo inuu ku xidho garoonka Anfield.
Labada kooxood ayaa ku jira wadahadalo ku saabsan xiddiga reer Germany inta lagu jiro suuqa Kala iibsiga xagaaga.
Wirtz ayaa iska diiday kooxaha Bayern Munich iyo Man city isaga oo doortay ku biirista Liverpool.
Kooxda Liverpool ayaa laga yaabaa in ay ka bixiso xiddiga lacag dhan 150 milyan oo Euro si ay u hesho saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay Sky Sports, Wirtz ayaa ku wargaliyay kooxda heysata horyaalka Ingariiska inuu doonayo inuu xirto lambarka 10-aad hadii uu ku biiro kooxda.
Waa isla lambarka uu ku xiran yahay Bayer Leverkusen.
Si kastaba ha ahaatee, lambarka kooxda ee Liverpool hadda waxaa iska leh Alexis Mac Allister.
Be the first to comment