Man United Oo La Kulantay Guuldaradii 17-aad Ee Premier League.

Man United ayaa guuldaro kale kala kulantay kooxda West Ham iyaga oo ku sugan Old Trafford kulan ka tirsanaa premier League.

United ayaa sii wada natiijooyinkii umaa ee xilli ciyaareedka iyaga oo mar kale la kulmay guuldaro lama filaan ah.

West Ham ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo Samaynayay fursado badan oo ay ku doonayaan goolal.

Daqiiqadii 26-aad ayay West Ham dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Tomáš Souček kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Man United ayaa isku dayday in ay soo kabsadaan isla markaas dhaliyaan goolka bar-baraha.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay sidaas iyada oo Red Devils ku dambayso natiijada isla markaas wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal.

Man United ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay ku bar-barayso isla markaas ciyaarta ugu soo laabato.

Daqiiqadii 57-aad ayay West Ham dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Jarrod Bowen kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guuldaro kale kala kulantay premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga