
Tababaraha Barcelona ee Hansi Flick ayaa waxa hor yaala go’aano adag ka hor kulanka El Clasico si uu talaabo ugu qaado ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.
Flick wuu ogyahay muhiimada ay Barca u leedahay natiijada wanaagsan marka ay ka hortimaado kooxda ay xafiiltamaan.
Hadii ay Barcelona ka fogaato kulanka Real Madrid waxa ay hal gacan ku dhigaysaa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyada oo 3 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka.
Kahor kulanka El Clasico ee ugu dambeeyay, Flick ayaa tababarka ku soo dhaweeyay Alejandro Balde. Daafaca bidix ayaan ciyaarin tan iyo markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray guushii ay ka gaareen Leganes bishii hore, laakiin wuxuu ku tartamayaa inuu ku soo bilowdo kulanka Real Madrid.
Laakiin Gerard Martin ayaa si fiican u soo bandhigay maqnaanshiyaha Balde sidaa darteed ma ahan go’aan toos ah.
Dhinaca kale Eric Garcia ayaa buuxin doona booska Jules Kounde kaas oo dhaliyay gool kulankii final-ka Copa del Rey.
Flick ayaa xaqiijiyay in uu Wojciech Szczesny ku bilaaban doono kulanka halka Robert Lewandowski u dagaalami doona in uu ciyaaro kulanka.
Shaxda halkan kaga bogo shaxda ay Barcelona ku ciyaari doonto kulanka:
Szczesny; Eric, Cubarsi, Martinez, Martin; Pedri, de Jong; Yamal, Olmo, Raphinha; Lewandowski
Be the first to comment