
Tababaraha kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa la filayaa in uu shax adag ka hor yimaado Arsenal iyada oo Reds ay ku soo laaban doonto Anfield markii ugu horaysay tan iyo markii loo caleemo saaray horyaalka Premier league.
Koox is badal weyn lagu sameeyay ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay Chelsea todobaadkii hore, Slot ayaana xaqiijiyay in is badalo kale la samayn doono kulanka Arsenal.
Ka dib markii la xaqiijiyay inuu ka tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedka, Trent Alexander-Arnold waxaa bedelaya Conor Bradley.
Slot ayaa u sheegay suxufiyiinta jimcihii: “Conor wuu bilaaban doonaa, wuxuu u baahan yahay waqti ciyaaro si uu isugu diyaariyo xilli ciyaareedka dambe”
Shaxda ay Liverpool kaga hor tagi karto Arsenal:
Alisson, Bradley, Konate, Van Dijk, Robertson, Gravenberch, Mac Allister, Jones, Salah, Diaz Gakpo
Be the first to comment