Mikel Arteta Oo Sharaxay Sababta Ay Kooxdiisu Guuldarada Ugala Kulantay PSG.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ku adkeystay in rikoorka dhaawaca kooxdiisa uu sabab u ahaa guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Paris Saint-Germain Talaadadii lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Kooxda Gunners ayaa waxaa ka maqan Gabriel Magalhaes, Riccardo Calafiori, Takehiro Tomiyasu, Jorginho, Kai Havertz iyo Gabriel Jesus, waxaana gool u dhaliyay Ousmane Dembele daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta, taasoo keentay in ay kooxda hor taalo shaqo adag si ay ugu soo baxdo final-ka champions League.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa heysatay koox dhameystiran. Kooxda Luis Enrique ayaa kaliya lagu qasbay inay la tacaalaan wadar ahaan todobo dhaawac oo saameyn ku yeeshay xilli ciyaareedka oo dhan, Arteta ayaana ku dooday inay faa’iido muuqata siisay kooxda Faransiiska.

“Maanta, farqigu aad buu u yaraa,” ayuu u sheegay CBS Sports ciyaarta ka dib.

“Waxay ila tahay inay si fiican ciyaarta ku bilaabeen laba sababood”.

“Midka ugu horreeya, sababtoo ah, waxay ka soo baxaan cadaadiska kadib baasas badan kadib Tayada shaqsiga ah ayaa go’aamisay goolka ugu horeeya waxana aan wajahnay dhibaato badan kadib goolka”.

“Sababta kale ayaa ah dhaawacyada soo gaadhay xiddigaha kooxdeena ugu muhiimsan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga