Miyay Chelsea U Dhaqaaqaysa Saxiixa Kevin De Bruyne?, War Ayaa Ka Soo Baxay.

Chelsea ayaan wax dalab ah ka gudbin Kevin De Bruyne oo ay beeca xorta ah kaga soo qaadanayso Manchester City, sida ay wararku sheegayaan.

Horaantii bishaan, De Bruyne ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo City dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo soo afjaray guulo 10 sano ah oo uu la joogay kooxda heysata horyaalka Premier League.

33-sano jirkaan ayaa kusoo bilowday kaliya 14-kulan horyaalka Premier League xiliciyaareed kaan, waxaana sabab u ah dhibaato dhaawacyo waxana uu heshiiskiisa kooxda ee haatan dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

De Bruyne ayaa tilmaamay inuu u furan yahay inuu sii joogo Premier League halka ay wararku sheegayaan in ay Aston Villa haatanba la xidhiidhay xiddiga.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Chelsea ayaan ka mid noqon doonin kooxaha u tartami doona saxiixa De Bruyne xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga