
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong ayaa shaaca ka qaaday furaha guusha ay ka gaadhi karaan kooxda Real Madrid final-ka koobka Copa del Rey oo caawa la ciyaari doono.
Frenkie ayaa u sheegay Catalan TV’s Channel 3. “Waxaan isku diyaarineynaa ciyaarta anaga oo daawanayna ciyaaro hore waxana aan isku dayi doonaa in aan helno wado aan kaga faa’iidaysan karno fursadaha”.
Isagoo ka hadlayay xaalada jireed ee Barcelona ayuu yiri: “Aad ayay u fiican tahay, qof walba waa uu dhiiran yahay, qaab ciyaareed fiicana wuu ku jiraa, waxaan heysanaa fursad aan ku qaadi karno seddexleey xilli ciyaareedkan, dabcan kuma guuleysan kartid inaad dhaliso goolal badan kulan kasta”.
Isagoo ka hadlayay labadii guuldaro ee El Clásico ee Real Madrid xiliciyaareed kaan, wuxuu yiri: “Kulanka berri wuxuu noqon doonaa mid qaas ah, wax dhib ah ma leh wixii ka horeeyay wixii dhacay, waxaan heysanaa fursad aan ku guuleysan karno, sidoo kale Real Madrid”.
Frenkie oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Real Madrid had iyo jeer waa koox ka soo horjeeda oo khatar ah, waa koox heer sare ah oo ay ku jiraan ciyaartoy caan ah, si aad u garaacdo iyaga, waa inaad ku jirtaa xaalada ugu fiican”.
Be the first to comment