
Goolhayaha koowaad ee kooxda Barcelona Marc-Andre ter Stegen ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda sabtida ee finalka Copa del Rey ay la ciyaari doonaan Real Madrid, laakiin Alejandro Balde ayaan ka soo kabsan dhaawac muruqa ah oo uu soo gaaray waqtigii lagu soo dari lahaa.
Ter Stegen ayaan diyaar u ahayn Barcelona tan iyo bishii Sebtembar sababo la xiriira dhaawacii halista ahaa ee ka soo gaaray kulankii Villarreal, waxaana loo maleynayay in arrintan ay soo afjari doonto xilli ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa horumar fiican ka sameeyay soo kabsashadiisa bilihii la soo dhaafay waxana uu diyaar u noqonayaa Final-ka Copa del Rey.
32-sano jirkaan ayaa siiyay tababare Hansi Flick go’aan weyn oo uu ku gaaro dib ugu soo laabashadiisa taam ahaanshiyaha, iyadoo Wojciech Szczesny uu wacdaro ka dhigay maqnaanshihiisa.
Waxa la filayaa in Goolhayaha khabiirka ah mar kale lagu bilaabi doono Goolka kulanka El Clasico, laakiin Ter Stegen ayaa laga yaabaa inuu ku lug yeesho semi-finalka Champions League, iyadoo lugta hore ee semi-finalka Barcelona ay la ciyaari doonto Inter Milan toddobaadka soo socda.
Robert Lewandowski ayaa wajahaya labada ilaa seddex isbuuc ee soo aadan dhaawac muruqa ah, sidaa darteed maqnaanshihiisa liiska kooxda maahan wax lala yaabo, halka Marc Casado iyo Marc Bernal ay sidoo maqanyihiin.
Halkan Kaga Bogo Liiska Barcelona ee Kulanka El-Clasico.
Ter Stegen, Pena, Szczesny; Christensen, Kounde, E Garcia, Fort, Martin, Cubarsi, Araujo, Martinez; Pedri, De Jong, F Lopez, Gavi, Torre; F Torres, Fati, Raphinha, Victor, Yamal, Olmo
Be the first to comment