
Arne Slot ayaa sheegay in uusan ‘la yaabin in ay Crystal Palace bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa premier League.
Arsenal ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ogaa in guuldaro soo gaadha in ay kooxda Liverpool ka caawinayso in ay ku guulaysato premier League.
Arsenal ayaa 2 jeer hogaamiysay ciyaarta laakiin Crystal Palace ayaa labada jeerba soo laabatay iyada oo bar-baro ku qabatay kooxda Arsenal.
Ka hor kulanka Tottenham, Slot ayaa ka fal celiyay bar-barihii ay kooxda Crystal Palace la gashay Arsenal.
“Waxa ay ahayd mid ka duwan sidii hore, sida caadiga ah waxa aan ciyaarta ku daawan jiray guriga aniga Iyo qoyskayga laakiin kulankan waanu isku nimid dhamaanteen, waxa uu ahaa kulan lama filaan dhacay”ayuu yidhi.
“Ka hor kulanka, waxa aan la yaabi lahaa in uu kulanku bar-baro ku dhamaaday”.
“Intii ay socotay ciyaarta, lama aanan yaabin, laakiin Palace ayaa muujisay waxa horyaalkan uu ku saabsan yahay”.
“Qaab ciyaareed aad u wanaagsan koox ahaan iyo waliba dhowr qaab ciyaareed oo shaqsi ah oo aad u wanaagsan”.
“Ugu dambayntii, malaha natiijo la yaab leh maaha, laakiin ciyaarta ka hor ma fileyn in ay barbaro ku dhamaato”.
Be the first to comment