Arsenal, Barcelona, PSG Mise Inter? Garyy Neville Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Kartaa Champions League.

Halyeeyga Manchester United, Gary Neville ayaa ku taageeray Arsenal inay ku guuleysato tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Neville, Tababaraha Arsenal Mikel Arteta wuxuu u baahan yahay koob weyn xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa ku jirta wareega semi-finalka Champions League waxayna wajihi doontaa Paris Saint-Germain isbuuca soo socda.

Gunners ayaa tartanka ka saartay kooxda heysata Champions League ee Real Madrid.

“Ima dhibi Doonto in aan arko Arsenal oo Ku Guulaysta Champions League”ayuu Neville yidhi.

“Waxaan jeclaan lahaa inay ku guuleystaan, waxaan doonayaa Arsenal inay ku guuleysato Arteta runtii”.

“Waxaan u maleynayaa inuu halkaas joogo shan sano, wuxuu u baahan yahay koobkaas weyn, wuxuu u baahan yahay koob,” ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga