
Mikel Merino iyo Ben White ayaa labaduba seegay kulankii Premier League ee ay Arsenal la ciyaartay Crystal Palace fiidnimadii Arbacada.
Mikel Arteta ayaa afar isbadal ku sameeyay shaxdii Arsenal ee ku bilaabatay guushii 4-0 ahayd ee ay ka soo gaadheen Ipswich Town Axadii.
Bukayo Saka, oo dhaawac canqowga ah ka soo gaaray qeybtii hore ee kulankii Ipswich, ayaa kaliya kursiga keydka ku bilowday shaxda Arsenal.
Oleksandr Zinchenko ayaa sidoo kale loo magacaabay bedelka iyadoo Myles Lewis-Skelly uu ku soo bilowday ka hor xiddiga heerka caalami ee dalka Ukraine ee daafaca bidix.
Laakiin labadaba Merino iyo White, oo ku soo bilowday kulankii Ipswich, laguma darin kooxda Arsenal ee maalinta ciyaarta wajahday Palace.
White ayaa kaliya seddex kulan u soo bilowday Arsenal sanadka 2025 ka dib markii qaliin jilibka ah lagu sameeyay bishii November.
Dhanka kale, Merino, waxa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu wacnaa ee Arsenal siddeedii toddobaad ee la soo dhaafay isagoo saddex gool dhaliyay saddexna caawiye ka ahaa todoba kulan oo uu saftay.
Ciyaarta ka hor Arteta oo ka hadlaya xaalada xiddigaha Merino Iyo White ayaa yidhi”Kuma lug yeelan karaan kulanka”.
“Nasiib daro kadib kulankii Ipswich ayay soo gaadheen jug”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment