
Barcelona waa inay kooxda ka saarto Goolhaye Wojciech Szczesny hadii ay rabaan Marc-Andre ter Stegen inuu ka ciyaaro Champions League – ka dib markii Hansi Flick uu xaqiijiyay in kabtankooda uu ‘diyaar u yahay’ inuu soo laabto.
Warkan ayaa imaanaya kadib markii weeraryahanka Barca ee Robert Lewandowski uu soo gaaray dhaawac kaas oo qarka u saaran inuu garoomada ka maqnaado ku dhawaad seddex isbuuc.
Ter Stegen, oo 32 jir ah, ayaa maqnaa tan iyo bishii Sebpembar, isagoo si xun uga dhaawacmay jilibka intii lagu jiray ciyaartii Villarreal.
Ciyaaryahankii hore ee Arsenal Szczesny ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha dhowr isbuuc ka hor, lakiin waxa uu go’aansaday in uu ciyaaraha ku oo laabto si uu u badalo Ter Stegen.
Szczesny ayaa noqday dookha 1-aad ee Barcelona waxana uu ciyaaray 22 kulan tan ilaa bishii January ee la soo dhaafay.
Laakiin haatan oo uu Ter Stegen ku soo laabtay tababarka buuxa, Barcelona oo raadinaysa 4 koob ayay soo wajahaysaa dhibaato yurub ah.
Sharciga UEFA ayaa dhigaya in si Ter Stegen uu uga soo muuqdo Champions League, Szczesny waa in laga saaro kooxdooda.
Be the first to comment