
Xiddigii hore ee kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa amaan u jeediyay xiddiga ka Tagaya kooxda Man City ee Kevin De Bruyne.
De Bruyne ayaa ku dhawaaqay laba toddobaad ka hor inuu ka tagayo City dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Hazard, oo ciyaaraha ka fadhiistay sannadkii hore isaga oo 33 jir ah, ayaa u sheegay RTBF: “Waxa uu sii ahaan doonaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnayd tobankii sannadood ee u dambeeyey adduunka oo dhan. Hadda, waxa wanaagsan ayaa ah inuu dooran karo meesha uu doonayo inuu aado oo uu naftiisa ku raaxaysto”.
“Inaad toban sano ku qaadato mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka waxay keenaysaa waxyaabo badan oo wanaagsan, wax badan ayaad ku guulaysatay, laakiin sidoo kale waxay la kulantay cadaadis badan”.
“Wuxuu noqon doonaa 34 jir, mar mar, waxaad sidoo kale dooneysaa inaad ogaato waxyaabo kale. Xaq buu u leeyahay inuu sidaas sameeyo; si buuxda ayuu u qalmaa.”
Be the first to comment