
Kooxda Arsenal ayaa ku celisay guushii ay ka gaadhay Real Madrid iyaga oo garaacay kulan ka dhacay Bernabue kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee 8 Dhamaadka champions League.
Kooxda Arsenal ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka tartanka champions League iyaga oo reebay kooxda difaacanaysa koobka.
Xiddiga Bukayo Saka ayaa dhaliyay goolka furitaanka kooxdiisa daqiiqadii 65-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Xiddiga Vinicius Junior ayaa dhaliyay goolka bar-baraha daqiiqadii 67-aad isaga oo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta.
Laakiin Gabriel Martinelli ayaa dhaliyay goolka 2-aad isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul qaali ah.
Be the first to comment