
Taageerayaasha Liverpool ayaa wali ku faraxsan heshiiska uu Salah u saxiixay Liverpool laakiin heshiiska cusub ayaan Man United ka horistaagi doonin dhibaatooyinka ay kooxdu horay u wajahday.
Salah ayaa todobaadkii hore qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda ku joogi doono ilaa sanadka 2027 isaga oo kooxda sii joogi doona 2 sano.
Salah ayaa ku raaxaysanaya xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Liverpool isaga oo dhaliyay 32 gool 23 kalena caawiyeya 46 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.
Liverpool ayaa wajahaysa dhibaatada koobka Africa waxana ay lumin doonaan Salah sidii ay sanado badan u lumiyeen xilli ciyaareedka dhexdiisa.
Salah ayaa seegay 5 kulan xilli ciyaareedkii hore markii uu aaday Africa si uu xulkiisa ugala qayb galo tartanka.
Liverpool ayaa ugu yaraan 10 kulan lumin doonta Salah hadii uu xulka Masar gaadho final-ka tartanka xilli ciyaareedka dambe.
Be the first to comment