Myles Lewis-Skelly Oo Taariikh Ka Sameeyay Champions League.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Myles Lewis-Skelly ayaa bar-bareeyay Rikoodh Uu Dhigay xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham.

Myles Lewis-Skelly ayaa ku bilowday kulanka isaga oo ka ciyaarayay daafaca bidix.

Xiddiga reer England oo Taariikh samaynayay kulamadii ugu dambeeyay ayaa sii Wada samaynta taariikhda champions League.

Myles Lewis-Skelly waa ciyaaryahankii labaad ee ugu da’da yaraa Ingiriis ee ku soo bilowda afar dhamaadka UEFA Champions League.

Xiddiga ayaa Jira 18 sano iyo 194 maalmood markii uu ku bilowday kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso Real Madrid.

Myles Lewis-Skelly waxa Rikoodhkan Kaga horeeyay xiddiga khadka Dhexe ee kooxda Real Madrid Jude Bellingham kaas oo isaga oo Jira 17 sano, 281 maalmood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga