
Kevin De Bruyne ayaa xaqiijiyay inuu ka tagi doono Manchester City marka uu dhamaado qandaraaskiisa xagaagan.
Laacibka khadka dhexe oo 34 jir noqonaya xagaagan, ayaan si joogta ah ugu soo bilaaban xilli ciyaareedkaan tababare Pep Guardiola, isagoo 12 jeer ku soo bilowday ilaa haatan horyaalka Premier League, mustaqbalkiisa ayaana ahaa mid muddo dheer la hadal hayay.
Iyadoo ay jiraan warar la xidhiidhinaya xiddiga horyaalka America Iyo waliba midka sucuudiga, De Bruyne ayaa hadda xaqiijiyay inuu soo afjari doono wakhtigiisa Man city dhamaadka xilli ciyaareedkan.
“Markaad aragto tan, waxay u badan tahay inaad garwaaqsatay halka ay tani u socoto,” ayaa lagu bilaabay bayaan la soo dhigay baraha bulshada.
“Sidaas darteed si toos ah ayaan u heli doonaa, waxaana idin ogeysiin doonaa dhammaan in bilahani noqon doonaan kuwii ugu dambeeyay ee aan ahaa xiddig Man City ah”.
“Ma ahan wax fudud in aan qoro tan laakiin dhamaan ciyaartoyada waxa ay ogyihiin in ay maalintan o ale iman doonto waxana aan doonayaa in aad aniga iga maqashaan”.
Be the first to comment