
Weeraryahankii hore ee Liverpool Michael Owen ayaa ku booriyay kooxda inay ka dhex raadiyaan Premier League bedelka Mohamed Salah iyo Darwin Nunez.
Qandaraaska Salah wuxuu dhacayaa xagaaga, halka weeraryahanka Nunez lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.
Labada ciyaaryahan ee uu Owen u doortay badalka Salah Iyo Nunez ayaa ah Alexander Isak iyo weeraryahanka Bournemouth Antoine Semenyo.
Isak ayaa horay loola xidhiidhinayay Liverpool halka Semenyo uu qabtay indhaha Reds kadib qaab ciyaareedka fiican ee uu soo bandhigay.
Ciyaaryahanka reer Ghana ee ku dhashay London Semenyo, oo 25 jir ah, ayaa sagaal gool dhaliyay shan kalena caawiye ka ahaa dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan.
Isak, oo 25 jir ah ayaa sidoo kale ku soo dhawaanaya xilli ciyaareed-xirfadeedka ugu wanagsan. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden ayaa dhaliyay 23 gool tartamada oo dhan.
“Waxaa beryahan dambe soo baxayay warar xan ah oo ku saabsan ciyaartoy kala duwan,” Owen ayaa u sheegay OLBG.
“Alexander Isak, sida iska cad, Newcastle oo gool ka dhaliyay iyaga maalin kale, taasi waxay noqon doontaa uun talaabo cajiib ah haddii Liverpool ay heli karto isaga, laakiin waxaan hubaa in koox walba ay doonayso isaga, waana hubaa in Newcastle ay u dagaalamayso sidii ay u haysan lahayd”.
“Waxaan ka helaa Antoine Semenyo, kaasoo ka ciyaara isla booska Salah, waan jeclahay waa ciyaaryahan da’yar ah laakiin leh tamar waxana uu awood u leeyahay dhalinta goolasha waana ciyaartoy fiican”.
“Waxaan ula jeedaa hadii aad tiraahdo Mo Salah iyo Darwin Nunez waa tageen Alexandr Isak iyo Antoine Semenyo ayaa yimid markaas uma maleynayo inay tahay mid xun”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment