Declan Rice Oo Fariin Tartanka Premier League Ah U Diray Premier League.

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice ayaa fariin digniin ah u diray Liverpool tartanka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa ka sii baxaysa tartanka premier League kadib bar-barihii ay la galeen kooxda Man United.

Arsenal ayaa 15 dhibcood ka dambaysa kooxda Liverpool tartanka premier League iyada oo 10 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay 15 dhibcood ka dambeeyaan Liverpool, Hadana Rice ayaan ka quusan ku guulaysiga horyaalka premier League.

Rice ayaa u digay Liverpool waxana uu sheegay in aanu wali tartanku dhamaan isla markaas dagaalami doonaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

“Liverpool waxa ay ahayd koox cajiib ah xilli ciyaareedkan oo dhan, amaan ayay mudan yihiin laakiin wali horyaalku ma dhamaan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga