Barcelona Oo La Wareegtay Hogaanka La Liga Kadib Guushii Sociedad.

Kooxda Barcelona ayaa garaacday Real Sociedad iyaga oo ku garaacay 4/0 kulan ka tirsanaa todobaadkii 26-aad ee horyaalka La Liga.

Ciyaarta ayaa ku xumaatay Sociedad kadib markii daqiiqadii 17-aadba ciyaarta laga saaray xiddig daafaca uga ciyaara.

Xiddiga Gerard Martin ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay kulanka 1/0.

Xiddiga Marc Casado ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 29-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddiga Daafaca ka ciyaara ee Ronald Araujo ayaa dhaliyay gool daqiiqadii 56-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Robert Lewandowski ayaa dhaliyay goolka 4-aad daqiiqadii 60-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay kooxdiisu ciyaarta ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul muhiim ah lana wareegtay hogaanka horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga