
Manchester United ayaa weyn doonta Patrick Dorgu oo ganaax ku seegi doona kulanka ay wareega shanaad ee FA Cup-ka la ciyaari doonaan kooxda Fulham.
Saxiixa 25 milyan ugu Soo Biiray kooxda suuqii January ayaa bilaabanaya Ganaax 3 kulan oo uu ka maqnaan doono kooxdiisa kadib markii loo taagay kaadhka cas kulankii IPSWICH ee premier league.
Noussair Mazraoui ayaa la soo galiyay badalkiisa kaas oo lagu badalay xiddiga Alejandro Garnacho.
Diogo Dalot ayaa ku soo bilaaban doona daafaca garabka bidix Halka Mazraoui uu ku bilaaban doono garabka midig ee Daafaca.
Ruben Amorim kuma faraxsanayn Garnacho ka dib markii uu si toos ah uga baxay garoonka kadib markii la badalay kulankii Ipswich.
Garnacho ayaa la filayaa in uu ka soo laabto jug Soo gaadhay taam-na u noqday kulanka laakiin lama hubo in uu Amorim Ku bilaabi doono ciyaarta.
Weeraryahanka da’da yar ee Chido Obi ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro ka dib markii laga saaray kooxdii United Under-18 ee FA Cup ay ka badiyeen Arsenal habeenkii Jimcaha.
Shaxda Man United Kaga Hor Tagi Karto Fulham
Onana; de Ligt; Maguire, Yoro; Mazraoui; Ugarte, Fernandes, Dalot; Zirkzee, Garnacho, Hojlund
Be the first to comment