Goolhayaha Shabaqiisa Ilaashaday Kulamada Ugu Badan Premier League Oo La Soo Saaray

Goolhayaha Arsenal David Raya ayaa ku guuleystay abaalmarinta gacanta Dahabka ah ee Goolhayaha ugu fiican premier league xilli ciyaareedkii hore.

Goolhayaha ayaa 16 kulan shabaqiisa ilaashaday premier league isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ku dhamaysataan kaalinta 2-aad ee kala Saraynta Premier League.

Bilowgii xilli ciyaareedkan Raya ayaa la filayay in uu noqon doono mid mar kale u tartamaya abaalmarinta Goolhayaha ugu fiican laakiin waxa ilaa haatan ka fiican Goolhaye Matz Sels oo u Ciyaara kooxda Nottingham Forest.

Matz Sels ayaa qaadanaya xilli ciyaareedk cajiib ah isaga oo shabaqiisa ilaashaday 11 kulan ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xiga Goolhaye David Raya kaas oo 10 kulan shabaqiisa ilaashaday 10 kulan.

Waxa ku xiga Goolhaye Jordan Pickford oo u Ciyaara Everton kaas oo shabaqiisa ilaashaday 9 kulan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga