Masiibo: Xilli Ciyaareedka Xiddig Kale Oo Arsenal Oo Soo Dhamaaday, Sabab La Xidhiidha Dhaawaca.

Dhibaatada dhaawaca Arsenal ayaa ka sii xumaaday sidii hore iyaga oo xiddig kale u waayay dhaawac ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka ah.

The Athletic ayaa ku warameysa in Takehiro Tomiyasu uu dhamaaday xilli ciyaareedkiisa ka dib markii uu maray qaliin jilibka ah.

Tomiyasu ayaa ku seegay ku dhawaad ​​dhammaan xilli ciyaareedkii 2024-25 dhaawac jilibka ah oo uu ka soo gaaray safarkii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Tomiyasu ayaa bartiisa Instagram-ka ku xaqiijiyay in qaliin lagu sameeyay taas oo la macno ah in uuna soo laaban doonin ilaa xilli ciyaareedka dambe.

“Waxa laygu sameeyay qaliin jilibka ah maalmo ka hor, waxaanan durba bilaabay soo kabsashada si aan mar kale u sameeyo waxa aan aadka u jeclahay,” Tomiyasu ayaa yidhi.

“Waxay ahayd waqtigii ugu adkaa ee xirfadayda hubaal, wayna sii socotaa xoogaa laakiin kama quusan doono.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga