
Arsenal ayaa war fiican ka Heshay Soo laabashada Ben White ka Hor Kulanka Leicester city ee maanta oo sabti ah.
Daafaca midig ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii November ka dib markii qaliin lagu sameeyay si loo xaliyo dhibaatada jilibka.
White ayaa kor u qaaday tababarkiisa usbuucii la soo dhaafay intii lagu jiray tababarka cimilada diiran ee Arsenal ee Dubai.
Waxa uu haatan ku soo laaban karaa kooxda isbuucaan, marka ay Arsenal u safarto Leicester.
Kai Havertz ayaa seegi doona kulanka kadib dhaawacii Soo gaadhay.
Gabriel Martinelli, Gabriel Jesus iyo Saka ayaa sidoo kale dhamaantood seegi doona kulanka.
Ethan Nwaneri, Leandro Trossard iyo Raheem Sterling ayaa la filayaa in ay hogaamiyaan weerarka.
Shaxda Ay Arsenal Ku Soo gali karto kulanka maanta:
Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Odegaard, Partey, Rice; Nwaneri, Trossard, Sterling
Be the first to comment