
Arsenal ayaa war fiican ka Heshay tababarka xilli ay ku sugan yihiin tababarka Dubai ka Hor dib u bilaabashadooda xilli ciyaareedka.
Gunners waxay ku sugan tahay Bariga Dhexe lix maalmood, iyadoo Arteta uu rajeynayo inay siin doonto nasasho jireed iyo maskaxeed, iyagoo ka shaqeeyay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii hore.
Daafaca White ayaa qaliin jilibka ah lagu sameeyay bishii November laakiin waxa uu dardar galinayay qorshayaasha uu ku soo laabanayo taam ahaanshihiisa buuxa.
Haatan, Gunners ayaa soo bandhigtay sawirada 27 jirkaan oo dib ugu soo laabtay tababarka isaga iyo asxaabtiisa kooxda iyadoo lagu kalsoon yahay inuu White soo laaban doono kulanka soo socda ee Premier League ee Arsenal.
Arsenal ayaa ku soo laabanaysa kulamada maxaliga ah iyaga oo booqan doona kulanka Leicester city premier league iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya Liverpool.
Be the first to comment