Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Gabriel Martinelli Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

Weeraryahanka Arsenal ee Gabriel Martinelli ayaa mari doona baadhitaan manta oo khamiis ah si loo ogaado dhaawac muruqa ah oo ka soo gaadhay kulankii Newcastle .

Martinelli ayaa dhaawac soo gaaray qeybtii hore ee ciyaartii Arsenal ay guuldarro 2-0 ah kala kulantay Newcastle garoonka St. James’ Park habeenkii Arbacada.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka dhaawacmay muruqa dhamaadkii qaybtii hore waxana uu dalbaday in la badalo.

Ethan Nwaneri ayaa lagu badalay daqiiqadii 37-aad waxana uu manta mari doonaa baadhitaan.

“Isaga (Martinelli) waxa uu dareemay wax, waxa aan u malaynayaa in ay tahay muruqa muruqa, kuma faraxsanayn in uu sii wato,” Mikel Arteta ayaa yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga