Ancelotti Oo Magacaabay Kooxda Uu Doonayo In Laga Reebo Champions League

Real Madrid ayaa wajahaysa suurtagalnimada in ay ciyaarta kulan kala bax ah si ay ugu soo baxdo wareega 16-ka Champions League.

Kooxda difaacanaysa champions league ayaa 5/1 kaga badisay kooxda kooxda RB Salzburg laakiin booskooda wareega 16-ka ayaa wali halis ku jira.

Afar guul iyo seddex guuldarro oo ka soo gaartay todobadii kulan ee heerka horyaalka ilaa hadda ayaa kooxda Carlo Ancelotti ka dhigeysa inay ku jiraan kaalinta 16aad ee kala sareynta guud ahaan UCL laakiin waxa la hubaa in ay ciyaari doonto kulan kala bax ah.

Manchester City, PSG iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale ku dagaalamaya boos kulan kala bax ah, waxaana seddexdadooduba ay noqon karaan kuwa ku aadi Kara Real Madrid.

Ancelotti ayaa wajahay kooxda Pep Guardiola seddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, oo ay ku jirto guushii 2022 ee semi-finalka ay ka gaareen laba lugood, iyadoo Real Madrid ay garaacday Liverpool finalkii.

Ancelotti ayaana sheegay in ay kooxda Man City tahay kooxda uu doonayo in ay kooxdiisu ka fogaato kulamada kala baxa.

“Ma jiraan wax badan oo la sameeyo ama laga fikiro, kaliya waa inaan garaacnaa Brest oo aan aragnaa halka aan ka gali doono kala saraynta”ayuu Ancelotti yidhi.

Mar wax Laga waydiiyay in ay Man City halis ugu jirto In Laga reebl champions league ayuu Ancelotti yidhi”way fiicnaan lahayd haddii City laga saaro waayo waxay ka mid yihiin musharixiinta ku guulaysan kara Champions League mar kale”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga