Arne Slot Oo Sharaxay Sababtii Loo Badalay Ryan Gravenberch Kulankii Lille

Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa u xaqiijiyay taageerayaashiisa go’aankiisa ah in Ryan Gravenberch uu badalo qaybta dambe kulankii Lille ee champions league in la soo qorsheeyay.

Xiddiga reer Holland ayaa u soo muuqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Liverpool xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda u ciyaaray kulamo badan.

Kadib markii ay Reds ku fashilantay in ay la soo saxiixato xiddig khadka dhexe ee daafaca ah kadib markii uu diiday Martin Zubimendi xiddiga Gravenberch ayaa noqday xiddig laf dhabar u ah kooxda.

Slot uma muuqato inuu ku kalsoon yahay Wataru Endo xiddigii hore ee Bayern Munich Gravenberch ayaa si joogto ah u ciyaara kulamada kooxda.

Gravenberch ayaa ku bilowday kulankii Lille laakiin waxa la badalay qaybtii dambe ee ciyaarta taas shaki Galisay taageerayaasha kooxda in uu xiddigu dhaawacmay.

Markii la waydiiyay sababta uu u badalay xiddiga khadka dhexe Slot aya yidhi”fikirku waxa uu ahaa In wakhti hore la badalo Ryan si uu u helo nasiino”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga