Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Lille Champions League.

Darwin Nunez ayaa rajeynaya inuu hogaamiyo line-upka Liverpool kulanka Champions League ee Lille.

Xiddiga reer Uruguay ayaa badbaadiyay kooxdiisa kulankii ay ka badiyeen Brentford kulan ka tirsanaa premier League.

Natiijada ayaa ka caawisay Liverpool in ay sii dheeraysato hogaanka premier League iyaga oo 6 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka.

Nunez ayaa ku bilowday 4 kulan champions League waxana uu mar kale fursad u heli doonaa in uu hogaamiyo weerarka Reds iyada oo Diogo Jota dhaawacan yahay.

Xiddigaha Mohamed Salah iyo Cody Gakpo ayaa la filayaa in ay la hogaamiyaan weerarka.

In kasta oo Liverpool ay u baahan tahay kaliya dhibic si ay ugu soo baxdo wareega 16ka, Slot ayaa laga yaabaa in aanu is badal badan ku samayn haxdiisa iyada ujeedkiisu yahay inuu sii wado rikoorka guusha ee boqolkiiba 100 ee tartanka.

Halkan Kaga Bogo Shaxda laga yaabo in ay Liverpool kaga hor tagto Lille:

Alisson; Bradley, Endo, Van Dijk, Robertson; Gravenberch, Mac Allister; Salah, Szoboszlai, Gakpo; Nunez

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga