Hal Sabab Ayaan U Diiday Man United.

Bartilmaameedka suuqa kala iibsiga ee Arsenal Benjamin Sesko ayaa mar diiday kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United.

Weeraryahanka RB Leipzig, oo 21 jir ah, ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee haatan u soo baxaya kubada Cagta.

Arsenal ayaa Doonaysa Saxiixa Xiddiga laakiin waxa ay ahayd badantahay in aanu ku biiri doonin Gunners sabab la xidhiidha lacagta lagu iibinayo xiddiga oo aad u badan.

Ka Hor intii uuna ku biirin Leipzig waxa uu iska diiday kooxda Man United.

“Aad ayay muhiim iigu ahayd inaan aado meel u ciyaareysa qaab ciyaareed la mid ah. Hore ayaan u garanayay waxa aan sameeyo, mana aha in aan mar kale maro hab waxbarasho oo dhan,” ayuu yidhi.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga