Kooxda Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa premier league.
Kulanka oo Ka dhacay Emirates ayay labada kooxood ku qaybsadeen dhibcaha iyada oo ayna midna badin.
Arsenal ayaa qaybtii hore ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa iyaga oo si fiican u ciyaaray.
Arsenal ayaa daqiiqadii 35-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Martinelli kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Arsenal ayaa daqiiqadii 55-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kia Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/.
Aston Villa ayaa daqiiqadii 60-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Tielemans kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Aston Villa ayaan halkaas ku joogsan waxana ay dhaliyeen goolka 2-aad ee Bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Watkins kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Waxa sidaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal dhibco lumisay.
Be the first to comment