
Xiddiga kooxda Man City ee Haaland ayaa saxiixay heshiis waali ah oo uu ku noqon doono xiddigaha ugu mushaharka badan taariikhda kubada cagta.
Weeraryahanka Norway ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo socon doona ilaa 2034.
Haaland, oo 25 jir ah, ayaa heli doona adduun dhan 260 milyan oo euro inta uu socdo heshiiska xiddigu.
Xiddiga ayaa todobaadkii qaadan doona 500 kun oo Gini todobaadkii waana in ka badan intii uu markii hore qaadanayay oo ahayd 375 kun oo Gini todobaadkii.
Si kasta ha ahaatee inkasta oo uu xiddigu qaato lacagtaas hadana wali waa xiddiga 9-aad ee ugu mushaharka badan kubada cagta.
Xiddiga Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa todobaadkii jeebka ku shubta lacag dhan 3.3 milyan euro
Halka uu Neymar qaato 1.7 milyan sidoo kale xiddiga Karim Benzema ayaa jeebka ku shubta lacag dhan 1.6 milyan.
Halkan kaga bogo xiddigaha ugu mushaharka badan kubada cagta:
Be the first to comment