RB Leipzig Oo Ka Jawaabay Xiisaha Arsenal Ee Saxiixa Benjamin Šeško.

Tababaraha Kooxd RB Leipzig ee Marco Rose ayaa ka jawaabay xiisaha kooxda Arsenal u qabto xiddiga weerarka ka ciyaara ee Benjamin Šeško.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Benjamin Šeško kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso weerarkooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Arsenal oo ay ka dhaawacmeen Jesus iyo Saka ayaa suuqa ugu jirta xiddig cusub oo weerarka ka ciyaara waxana ay calaamadsadeen Benjamin Šeško.

Si kasta ha ahaatee tababaraha kooxda RB Leipzig ayaa Meesha ka saaray suurtagalinimada uu Benjamin Šeško uga tagi karo kooxda suuqa January.

“Benjamin Šeško ma bixi doono, taasi ma ahan suurtagalnimada aanu ka hadalnay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga