Tababarihii hore ee kooxda Man United Erik Ten Hag ayaa ku dhaw in uu dib ugu soo laabto shaqada isaga oo ku dhaw kooxda Borussia Dortmund.
Tababare Erik Ten Hag ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada Man United bilowgii xilli ciyaareedkan.
Saxafiga Florian Plettenberg ayaa xusay in tababare Erik Ten Hag loo arko mid ka mid ah musharixiinta u sharraxan inuu tababare u noqdo Dortmund, haddii la ceyriyo Nuri Sahin.
Waxa uu intaa ku daray: “Eric Ten Hag waxa uu weli yahay musharraxa u sharaxan inuu beddelo Nuri Sahin. Si kastaba ha ahaatee, Nuri Shaheen ayaa weli haysta kalsoonida maamulka are ee kooxda inkasta oo ay kooxdu ku jirto kaalinta 8-aad”.
Be the first to comment