Lamine Yamal ayaa mustaqbalkiisa fog u hibeeyey kooxda Barcelona kadib markii uu daaha ka qaaday in uu heshiis cusub ku dhow yahay.
Qandaraaska uu haatan kula jiro waxa uu dhacayaa 2026 laakiin waxa uu haatan diyaar u yahay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub kadib markii uu sheegay in Barcelona ay tahay “kooxda nolosheyda”.
“Ma garanayo goorta (heshiiska la saxiixi doono), laakiin waxaan aaminsanahay inuu dhawaan dhici doono,” ayuu u sheegay CNN Sport.
“Ugu dambayn, Barça waa naadiga nolosheyda. Waxaan rajeynayaa inaan cusbooneysiiyo qandaraaskeyga iyaga oo aan la joogo ilaa inta suurtagal ah.
“Waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro horyaalka Spain. Waxaan rabaa inaan u ciyaaro Barça, haa, waan cusbooneysiin doonaa qandaraaskeyga. waan yeeli doonaa.”
Be the first to comment