Arsenal ayaa go’aan ka gaartay xiisaha uu José Mourinho iyo Real Madrid u qabaan daafaceeda Riccardo Calafiori.
Sida uu sheegay wargeyska Football London, kooxda Gunners-ka ayaa ka warqabta xiisaha Mourinho iyo Real Madrid, balse wax qorshe ah uma hayso inay iibiso Calafiori xagaagan.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in kooxda ku guuleysatay Premier League aysan dareemayn wax cadaadis ah oo ku qasbaya inay iibiso daafaca reer Talyaani inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Mourinho ayaa la sheegay inuu ansixiyey qorshe lagu soo iibsanayo xiddigii hore ee Bologna, Riccardo Calafiori, iyo sidoo kale daafaca Manchester City ee Josko Gvardiol, isaga oo isu diyaarinaya inuu la wareego tababarnimada Real Madrid.
Tababaraha reer Portugal ayaa bishii hore la saxiixday qandaraas saddex sano ah oo uu kula joogo Los Blancos, waxaana la filayaa in kooxda reer Spain ay toddobaadkan si rasmi ah ugu dhawaaqdo inuu yahay tababaraheeda cusub.
Be the first to comment