La Ogaaday: Sababtii Amorim Kooxdiisa Uga Saaray Rashford Oo La Ogaaday.

Sababta uu tababaraha Man United ee Ruben Amorim uu kooxdiisa uga saaray xiddiga Marcus Rashford ayaa la ogaaday.

Xiddiga 27 jirka ah ee Marcus Rahford ayaa laga saaray shaxda kooxda ka hor inta aanu ku oo laaban kulankii Isniintii  United Guuldarada kala kulantay Newcastle.

United ayaa diyaar u ah in ay iska fasaxdo Rashford suuqa January kadib markii uu xiddigu qirtay in uu rabo tartan cusub.

Haatan waxa soo if baxday sababta dhabta ah ee uu Amorim xiddiga uga saaray kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay.

Amorim ayaa la sheegayaa in uu ka xanaaqay markii uu Rashford jabiyay xeer uu u dajiyay kooxdiisa ka hor kulankii United ka badisay Everton 1 December.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga