
Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay inay lasoo saxiixato bedelka goolhaye Andre Onana.
28 jirkaan ayaa udub dhexaadka u ahaa United tan iyo markii uu ka yimid Inter Milan xagaagii 2023.
Si kastaba ha ahaatee, 20 kulan oo kaliya ayaa shabaqiisa ilaashaday 76 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, waxaana barbar socday khaladaad badan oo uu sameeyay.
Sida laga soo xigtay The Sun, taasi waxay u muuqatay inay keentay in Ruben Amorim uu ka fikiro badalkiisa mustaqbalka Fog.
Amorim ayaa lagu soo waramayaa inuu ka walwalsan yahay qaab ciyaareedka Onana xilli United ay la kulantay afar guuldaro shantii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.
Be the first to comment