XASAASI: Barcelona Oo Si Xor Ku Luminaysa Dani Olmo Suuqa january, Sabab.

Xaalada dhaqaale ee kooxda Barcelona ayaa Sii socota iyada oo halis ugu jirta in ay si xor ah ku waydo suuqa january xiddiga ay 51 milyan ka Soo bixisay ee Dani Olmo.

Barcelona ayaa tartan kula jirta wakhtiga si ay u diwaan galiso xiddiga reer Spain ka Hor inta uuna furmin suuqa january.

Olmo, oo ka mid ahaa xiddigihii ku guuleystay Euro 2024 ayaa Barca kaga soo biiray kooxda kooxda RB Leipzig waxana uu u saxiixay heshiis 6 sano ah laakiin waxa ay la dhibaatoonaysaa in ay diwaan galiso.

Waxaa la sheegay in 26-sano jirkaan uu u diiwaan gashan yahay kaliya qeybtii hore ee xilli ciyaareedka, waxaana kooxdiisu u dagaalamaysaa sidii ay u diwaan galin lahayd xiddiga qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Wadar ahaan, 12 jeer ayuu u ciyaaray kooxdiisa cusub xilli ciyaareedkan, isagoo u dhaliyay lix gool, islamarkaana ka caawiyay inay hogaanka u qabtaan horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga