Tababaraha Fenerbahce, José Mourinho, ayaa magacaabay saddex tababare oo ay Real Madrid ka fikiri karto marka ay bedelayso Carlo Ancelotti.
Ancelotti ayaa cadaadis la kulmay todobaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo Los Blancos ay ku dhibtooneysay LaLiga iyo Champions League.
Mourinho, oo tababare u ahaa Madrid intii u dhaxeysay 2010 iyo 2013, sidoo kale ma uusan meesha ka saarin suurtagalnimada ku laabashada Santiago Bernabeu.
“mar walba waxa aan ahaan doonaan taageero weyn oo Real Madrid ah, Waxay haystaan tababaraha ugu fiican adduunka, saaxiibkay Carlo [Ancelotti]. si fiican ayuu u shaqaynayaa,” Mourinho ayaa yidhi.
“Mustaqbalku waxa uu ku xidhan yahay waxa uu madaxweynaha [Florentino Perez] doonayo, haddii uu doonayo tababare da’yar oo saadaal weyn leh sida Xabi [Alonso] ama tababare khibrad leh sida Anceloti ama uu fursad siiyo halyeeyga kooxda ee Raul”.
Be the first to comment