WARBIXIN: Hazard, Kaka Iyo Xiddigo Ku Fashilmay Real Madrid.

Xiddiga Kylian Mbappe ayaa dareemaya cadaadiska maaliyada Real Madrid kadib markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii.

Mbappe ayaa Real Madrid ugu soo biiray qaab xor ah kadib markii uu ka tagay kooxda PSG oo heshiiskiisu dhacay.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican wakhtigiis laakiin waxa uu dareemayaa cadaadis waali ah.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 xiddig oo magac leh oo ku fashilmay kooxda Real Madrid.

Eden Hazard:

Xiddiga reer Belguima ayaa 100 milyan ugu biiray Real Madrid laakiin xiddiga ayaan wax saamayn ah ku yeelan kooxda intii uu joogay.

4-tii sano ee uu joogay kooxda waxa uu kula guulaystay 2 La Liga iyo champions Legaue laakiin waxa uu noqday saxiixii ugu xumaa ee kooxda muddo soo mara.

James Rodriguez:

Waxa laga yaabaa in uu magacan yahay mid lagu murmi karo marka la eego in James Rodriguez uu wacdaro dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Xiddiga ayaa dhaliyay 17 gool waliba u badnaa goolal qurux badan laakiin kooxda wax koob ah kulama guulaysan waxana uu xilli ciyaareedkii xigay noqday mid aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda.

KaKa:

Way adagtahay in la iloobo in ay Real Madrid lacag rikoodh ah kula soo saxiixatay Kaka.

Kaka ayaa kooxda ka noqday xiddig aan saamayn lahayn maadama uu Ronaldo isla xilli ciyaareedkaas ku soo biiray kooxda.

Michael Owen:

Waa xiddig kale oo ku guulaystay Ballon d’Or laakiin aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Owen ayaa si weyn ugu fashilmay kooxda waxana uu ku qasbanaaday in uu isaga tago kooxda.

Nicolas Anelka:

Waxa laga yaabaa in ayna dad badan Si fiican u xasuusan wakhtigii Nicolas Anelka ee Real Madrid.

Xiddiga ayaa kooxda ugu soo biiray 22.3 milyan euro sanadkii 1999 laakiin xiddiga ayaa si weyn ugu fashilmay kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga