Manchester United ayaa isku dayi doonta inay ka dhigto 10 guul oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay ka gaarto kooxaha soo dalacday marka ay booqdaan Portman Road galabnimada axada si ay ula ciyaarto Ipswich Town.
Red Devils ayaa guul gaartay mid kasta oo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaartay kooxaha u soo dalacay premier League kaliya chelsea ayaa gaadhay 10 kulan iyo wax ka badan marka ay la ciyaarayso kooxaha soo dalacay.
Chelsea ayaa 21 kulan oo xidhiidh ah ka badisay kooxaha u soo dalacay premier League intii u dhexaysay October 2002 ilaa November 2008 laakiin United ayaa doonaysa in ay noqoto kooxdii 2-aad ee 10 kulan ka badisa kooxaha soo dalacay.
Kooxda 20-ka jeer ku guulaystay horyaalka ayaa badisay 17 ka mid ah 19-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ee ay la ciyaartay kooxaha u soo dalacay horyaalka.
Ciyaarta Axada ka dhici doonta Portman Road ayaa noqon doonta kulankii ugu horeeyay ee uu Amorim hogaaminayo Man United.
Amorim ayaa doonaya in uu Man United ku hogaamiyo guushii 5-aad horyaalka premier League.
Be the first to comment