Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay wajaheyso sugitaan walaac leh si loo ogaado darnaanta dhaawacii ugu dambeeyay ee Reece James.
Kabtanka Blues ayaa kaliya ku bilowday 30 kulan premier League ah tan ilaa xilli ciyaareedkii 2022-23.
Xiddiga 24 jirka ah ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo waxana uu dhaawac muruqa ah uga maqnaa kooxda 2-dii bilood ee ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka.
Tababaraha kooxda chelsea ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu ku dhibaatoonayo dhaawac horay u soo gaadhay.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Chelsea ayaa haatan sugaysa in James uu maro tijaabo caafimaad.
Be the first to comment