Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Leverkusen.

Liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada dhaawac ka hor kulanka caawa ee champions League la ciyaari doonaan kooxda Bayer Leverkusen.

Ibrahima Konate ayaa diyaar u ah in uu ciyaaro kulanka kadib markii uu dhaawac uga baxay kulankii Brighton ee Sabtidii.

Liverpool waxa haatan dhaawac uga maqan xiddigaha Alisson Becker, Diogo Jota iyo Federico Chiesa kuwaas oo dhaawac ku seegi doona.

Goolhaye Caoimhin Kelleher ayaa la filayaa in uu ku bilowdo Goolka halka Tsimikas la filayo in uu sii haysto booska.

Xiddiga Gakpo ayaa sidoo kale la filayaa in uu sii haysto booskiisa kadib markii uu dhaliyay gool kulankii ugu dambeeyay.

Shaxda ay Liverpool kaga hor tagi karto Leverkusen:

Liverpool XI: Kelleher; Alexander-Arnold, Konate, van Dijk, Tsimikas; Mac Allister, Gravenberch; Salah, Jones, Gakpo; Nunez

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga